Ingiriiska oo xiriir cusub la sameynaya Jubaland iyo safiirka UK ee Somalia oo Kismaayo gaartay!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi ay hogaamineyso safiirka UK ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Harriet Matthews, ayaa shalay ku sugneyd magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxayna maanta tagtay magaalada Kismaayo, halkaasi oo maalintii shalay lagu ansixiyay dastuurka maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kulan gaar ah kula yeesheen madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka.

Sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay kula kulantay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba Sheikh Cabdi Maxamed, waxaana socda qorshe cusub oo dowlada Uk ay xiriir cusub kula sameysaneyso maamulka Jubba.

15-ka Agoosto ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacaya doorashada madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com