Daawo Video: Affeey: Jubba way ka baxday KMG

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Urur goboleedka IGAD ayaa ka qeyb galay xaflad shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo lagu ansixinayay dastuurka maamulka Jubba.

Maxamed Cabdi Afeey, oo ka hadlay madasha xaflada ka dhaceysay ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay in la dhameystiro dhamaan howlaha u dhinna maamulka uu madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Afeey isaga oo ka hadlayay xaflada ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu ku dhawaaqay in maamulka Jubbaland uu ka baxay KMG-kii uu ahaa tan iyo markii hishiiska lagu kala saxiiday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wuxuu sheegay mar haddii la dhameystiray dastuurka maamulka Jubba, bartamaha bishan Agoostana ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Jubbaland ayuu sheegay in maamulka Jubba uu ka baxay Kumeel gaarkii uu muddada sanooyinka ahaa.

Arintaasi waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubba iyo dhamaan xubnihii ka qeyb galay xaflada ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com