Video: Puntland oo lagu sharaf tiray Khaatumo!!

Buuhuudle (Caasimada Online) – Banaanbax looga soo horjeedo in xaflad lagu xusayo sanad guurada maamulka Puntland ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxayna taasi sababtay isku dhac dhexmara ciidamada maamulka Puntland iyo dadkii shacabka ahaa.

Dadweyne badan ayaa dhagxaan ku tuuray ciidamo watay gaadiidka dagaalka oo ka tirsanaa maamulka Puntland, waxaana ku dhaawacmay isku dhacaa hal gabar oo ku sugneyd magaalada Buuhoodle.

Dhamaan dadweynaha ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sheegay iney ka tirsan yihiin maamulka Khaatumo, ayna kasoo horjeedaan in magaaladaasi lagu xuso sanad guurada 17 ee aasaasta maamulka Puntland.

Banaanbaxa oo markii dambe si xoogeystay ayaa waxay dadweynaha Khaatumo ku kulmeen garoonka kubbada Cagta ee XABADE Staduim, waxayna dadka halkaasu ku gubeen calanka maamulka Puntland.

Puntland ayaa shalay u dabaal dageysay sanad guurada kasoo wareegatay aasaaska maamulka Puntland oo 17 sano ah, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay tagayay halkaasi ciidamo iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

Maamulka Khaatumo ayaa aamisan in Somaliland iyo Puntland ay hishiis ku yihiin sidii loo burburin lahaa maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com