Ahlu-Sunna oo maxkamadeyneysa shan wariye!!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna ayaa waxa ay ka hadleen xariga ciidankooda ay u geysteen shan suxufi oo ka howlgalaysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaasi.

Sarkaal ka tirsan Ururka Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Mursal Maxamed Xeefoow ayaa saxaafada u sheegay sababta loo xiray Wariyeyaashaasi inay tahay war ay baahiyeen oo ah banaanbax loogaga soo horjeedo Ahlu Sunna ooka dhacay Dhuusomareeb.

Mursal Maxamed Xeefoow, ayaa sheegay in wariyeyaasha laga doonaayo inay keenaan cadeymo ku saabsan xilliga banaanbax uu dhacay ee Ahlu Sunna looga soo horjeeday.

Ururada saxafiyiinta ee ka howlgala gobolada dalka ayaa cambaareeyay falka xariga ah ee ay ururka Ahlu Sunna kula kaceen saxafiyiintan

Labo weriye oo kala ah C/laahi Warsame Rooble iyo Leylo Nuur Cilmi ayaa ku biiray saddex weriye oo xalay xabsiga loo taxaabay kuwaasoo kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeeya Warbaahinta Dowlada SNTV iyo Radio Muqdisho, C/jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo u wakiil u ahaa Taleefishinka Horn CableTV.

Mursal Xeefow, ayaa ugu dambeyn sheegay iney maxkamad soo taagayaan wariyaasha haddii ay keeni waayaan cadeymo la xiriiro dambiyada loo heysto.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com