Shirkadda Soma Oil oo lagu dheggan yahay iyo kiisas Musuq-maasuq ah oo soo shaac baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska baaritaanada culus ee qiyaanooyinka lacagaha ee Britain, ayaa bilaabay baaritaano lagu xaqiijinaayo eedeeymaha la xiriira Musuq-maasuqa ee shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa dalka Somalia.

Qaar kamid ah Maamulka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaritaan lagu sameeyo tuhunka la xiriira Musuqa waxa ayna tilmaamen in Dowladu ay kala shaqeynayaan Baaritaanka, islamarkaana ay u fududeyn doonaan wax waliba oo la xiriira eedeeymaha loo jeediyay.

Soma Oil and Gas, ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hogaamiyihii hore ee xisbiga Conservativeka ee xukunka haya.

Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmaysay ayna la shaqayn doonto baarayaasha, si meesha looga saaro muranada la xiriira Tuhunka.

Xafiiska baaritaanada qoraal ay ku soo saareen bartooda internetka ayay ku waydiisteen in dadka wax ka og arrintan ay la soo xiriiraan.

Qaar kamid ah baarayaasha iyo Xubno u badnaa Khubaro ayaa sanadkii hore walaac ka muujiyay in la shaaciyo heshiiska Soma oil, iyada oo laga baqanaayay Musuqa iyo dareenka Beesha caalamka.

Arrintani waxay soo nooleenaysaa sahan lagu sameeyo dhul wixii ka horreeyay sanadkii 1991, tiro sharikado caalami ah oo shidaal la siiyay oggolaansho laysinno kahor intii aanay burburin dowladdii Soomaaliya.

Kalsooni daridaani ayaa imaaday kadib markii uu sii kordhay hamiga baaritaanada ay sameyneyso Shirkadaasi, waxaana laga yaabaa in isbedel muuqda lagu sameeyo maamulka waa hadii ay rumowdo Musuqa lagu eedeeyay maamulka sare ee Shirkada.

Dhanka kale, Guddiga iyo maamulka sharikadda Soma oil and Gas waxay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Wasaaradda Macdanta Qaranka si albaabada loogu furo saliidda iyo gas-ka Somalia ku jira. Weliba Somalia hadda waxay tahay aaggii ugu dambeeyay ee khariidadda shidaalka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com