Xasan & CC o ku heshiiyay inay kala qeybsadaan xilalkii qaranka (Safiiro aan la marin G/Wasiirada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa soo shaac baxaya in dowladda Soomaaliya ay safiir cusub oo joogto ah u magacawday Xarunta New York ee Qaramada Midoobay, arrintan oo ku soo baxay warqad aan sumad lahayn oo  warbaahintu faafisay kana soo baxday Wasiirka arrimaha Dibada  Soomaaliya ayaa C/raxmaan C/shakuur Warsame loogu magacaabay safiirka UN-ka  u fadhin doona Soomaaliya, xilkan oo uu hore u hayay  Dr. Axmed Cali Ducaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahan magacaabayay safiiro ka tirsan saaxiibadii iyo kooxdiisa u dhow oo la geeyay goobo Soomaaliya aad muhiim ugu ah, waxaana ilaa iyo hadda kooxda madaxweynaha ay la wareegeen laba xil oo muhiim ah:

1. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo lagu meeleeyay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

2. Iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Q/Midoobay oo hadda loo magacaabay C/raxmaan C/shakuur Warsame

Labadan safiir midkoodna lama marsiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya sida uu qabo dastuurka Federaalka ee KMG ah, waxaana saxiixay wasiirka arrimaha dibadda oo aad ugu dhow madaxweynaha.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ah mas’uulka looga fadhiyay inuu arrimahan wax ka qabto ayaa ka gaabsaday, taaso ay ugu wacan tahay iyadoo uu heshiis kula galay madaxweynaha inay kala qaataan xilal safiirnimo. Ra’iisal wasaaraha ayaa keensaday xubno safiirnimo loogu magacaabay sida safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno loogu daray guddiga doorashada.

Xilalkii umadda ayaa isu bedelay kuwo ay labada nin ee ugu sareeya hay’adaha fulinta iyo madaxtooyada ku heshiiyaan, kadib markii ay meesha ka baxday isla xisaabtankii dowladnimo iyo kaalintii Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada oo mid waliba ku mashquulsan yahay dano u gaara.

Isha goobjooge