Goorta lasoo dooranayo madaxweynaha beddeli doona Axmed Madoobe oo la shaaciyay (AQRI)!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo maanta lagu ansixiyay dastuurka maamulka KMG ah ee Jubba ee madaxweynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Munaasabada dastuurka  lagu ansixinayay waxaa ku sugnaa madaxweynaha maamulka Jubba, xubno ka socday dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka dastuurka iyo xubnaha mudooyinkii ugu dambeeyay ka doodayay qabyo qoraalka dastuurka maamulkaasi.

Intii munaasabada ay socotay waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba oo ku dhawaaqay in 14 maalin kadib magaalada Kismaayo ay ka dhaceyso munaasabada lagu dooranayo hogaamiyaha cusub ee Jubbaland.

Sheikh Cabdi, gudoomiyaha baarlamanaka maamulka Jubba ayaa sheegay 15 bishan Agoosto iney dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubbaland, sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalinta beri ah lagu dhawaaqayo gudiga doorashada maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com