Sawirro: Maxaadan ogeyn oo ka socda Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ka socda Munaasabad lagu ansixinaayo Dastuurka uu yeelan doono Maamulka KMG Jubbaland.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahaano, Culimo iyo Mas’uuliyiin xilal kala duwan horay uga soo qabtay dalka Somalia.

Mas’uuliyiinta la faramuuqi karo ee Munaasabadaasi ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ah Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo ah ergeyga gaarka ah ee urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somalia, oo ay wehelinayaan xibna isugu jire heer urur iyo heer Caalami intaba.

Wasiirka Dastuurka DF Somalia Maxamed Sheekh Xuseen, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi, Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyay dalka Ethiopia Axmed Cabdisalaan, Wasiirkii hore ee warfaafinta DF Somalia Cabdullaahi Cilmooge Xirsi, Danjirihii hore ee Somalia u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo shakhsiyaad kale oo siyaasiyiin ah oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Munaasabada Mas’uuliyiin ka socta Maamulka Puntland oo iyagu xiriir dhow la leh Maamulka Jubbaland.

Wufuuda ayaa la filayaa in Munaasabada ay kasoo jeedin doonaan Khudbado ku saabsan arrinta Dastuurka iyo dhaqangalinteeda, waxaana la soo warinayaa in isla hoolka lagu soo afmeeri doono Munaasabada iyo arrimaha khuseeya Dastuurka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

3

4

5

7
p1

p2

p3