Dhageyso: AMISOM oo dhacdo kale oo xanuun badan ka geystay magaalada Marko Caddeey !!!!

Marko (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marko ayaa markii labaad xaquuq dadweyne ka geysatay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii rasaas ay la dhaceen dad xaflad aroos ku sugnaa.

Gudoomiyaha degmada Marko Maxamed Cismaan Yariisow, ayaa sheegay in dilka rayidka uu ka dambeeyay markii ciidamada AMISOM lala eegtay qarax iyaga oo maraya magaalada dhexdeeda, dhankoodana ay rasaas iska fureen.

Rasaasta ayaa waxaa waxyeelo ay kasoo gaartay dad ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana dadka dhintay dhamaantood ay ahaayeen ku rayid ah, sida gudoomiyaha degmada uu sheegay.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com