Qorshaha Xasan Sheekh oo beesha caalamka ay si xooggan u diiday & kulan runta loogu sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo qaar kamid ah Xubnaha BF Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu caqabado kala duwan xiligaani kala kulmaayo Beesha Caalamka.

Mid kamid ah Xildhibaanada BF ee ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay kulamo degdeg ah la qaaten Madaxweyne Xassan oo isagu qorsheynaayo inuu kororsado wakhtiga.

Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay in Xubnahaasi ka socda Beesha Caalamka ay Madaxweyne Xassan ku wargaliyeen inaan suuragal aheyn in Dowlada iminka talada heysa ku dhiirato wakhti kororsi, waxa ayna ka digeen in Xassan Sheekh uu ku dhaqaaqo go’aanka uu mudada u harsan ku siyaadsanaayo.

Waxa ay xubnahaasi ku doodayaan in Shacabka Soomaaliyeed aysan u baahneyn in hal shaqsi uu xalaaleysto kursiga Qaranka, balse muhiimadu ay tahay in isbedel Siyaasadeed la helo.

Madaxweyne Xassan ayay ku eedeeyen in dalka uu geliyay xaalad kala guur ah isaga oo hoos u dhac ku keenay sida Siyaasada, Amaanka, Dhaqaalaha iyo sara qaadka ilaha dhaqaalaha, waana tan keentay in muran uu ka dhasho wakhti kororsiga.

Beesha caalamka ayan xiligaani ku qanacsaneyn in Madaxweyne Xassan uu kusii raago xilka uu u hayo Umadda Soomaaliyeed, waxa ayna si ba’an kaga soo horjeeda in Ururka Damjadiid ay kasii arimiyaan dalka, waxaana suuragal ah in Xassan uu ku gacanseero Hamigiisa ku aadan Wakhti kororsiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa caqabado kala duwan iminka ka heysato qorshaha uu ku doonaayo inuu ku kororsado wakhtiga xukunkiisa, waxaana xili waliba suuragal ah inuu ku gacaseero hamigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com