Dhageyso: Dhisme maamul cusub oo ka soconaya magaalada….!

Marko (Caasimada Online) Gudoomiyaha Degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Cusmaan Cali Yariisoow, ayaa sheegay in magaaalada Marko uu ka soconayo abaabul ku aadan sidii loo soo dhisi lahaa Maamul Heer degmo iyo mid Gobol ah .

Waxgad ka kala socda degmooyinka gobolka Sh/Hoose ayuu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalada Marko isla-markaan looga fadhiyo in Shanta Bisha soo aadan ay soo Xulaan Xubnaha Baarlamaanka gobolka si dhankooda ay gudoomiye Baarlamaan ay usoo doortaan.

“Ergo gaaraya 300 ayaaa arintan ku howlan iyaga ayaa soo Xulaya Baarlamaaanka oo gaaraya 27 Xubnood, Baarlamaanka gudoomiye ayay magacaabnayaan kadibna waxaa la dhisayaa Gudoomiyaasha Degmooyinka gonolka si iyana ay usoo doortaann gudoomiyaha gobolka Sidaas ayay howsha isagu xiran tahay” ayuu yiri Yariisoow

Wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid uu ka war hayo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose isla markaana arintaan looga gol leeyhay hetaanka midnimada iyo maamul ay u siman yihiin shacabka gobolka

Arintan wali kama uusan hadlin Gudoomiyaha gobolka SH/Hoose , hayeeshee hadalkan wuxuu imaanaya xilli qaban qaabo maamul sameyn ah uu ka soconayo magalada beydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay wadaan siyaasiyiin is abaabulay sidoo kalena Magaalada baladweyne waxaa ka socconaya qorshaha maamul  u sameynta gobolka Hiiraan

Halkaan ka dhageyso YARISOW Gudoomiyaha Marko

Marka

Caasimada online

Xafiiska Marko

Caasimada@live.com