Maxaa keena Findoobka? (Qooq mise wax kale, ogow xaqiiqda!)

Fianankaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro oogeed oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo malax oo kale ah.

Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay daawooyinka qaar, heerka hormoonnada qofka, bakteeriyo, qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya iyo diiqada (welwelka iyo fekerka)
Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go’idda bulshada (tanoo u badan gabdhaha).

Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finanka aad ka cabanayso.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed