Dhageyso: Meydka gabar Somali ah oo laga cabsi qabo in lagu gabo CHINA

Beijing (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay arrin aad looga xumaado.

Waxa ay ahayd markii dowladda Shiinaha ay sheegtay in lagubi doono meydka haweeney Soomaali ah oo dalkaasi horaantii bishan ku dhimatey, haddii aan waddanka dibeddiisa degdeg loogu qaadin.

Muna Maxamed Xaashi waxay u dhimatey xanuun dhinaca caloosha ah oo ku yimid xilli ay uur lahayd.

Maxamed Xasan Axmed oo ah ninka qabay haweneyda geeriyooday ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in loo shegeay in laga rabo lacag lacag gaareysa 35kun oo dollaar haddii ay rabaan in la siiyo meydka xaaskiisa.

Wuxuu kaloo sheegay in ay heestaan uun 11kun oo dollaar kaliya,

Wuxuu ummada Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaalida ka codsaday in ay ku caawiyaan siddii xaaskiisa looga badbaadin lahaa in la gubo meydkeeda.

Mar uu ka hadlaayay sidda uu xanuunka xaaskiisa ugu dhacay, wuxuu sheegay in xaaskiisa oo uur afar bil leh uu caloosha biyo ka galay markii dhakhtar la geeyay oo la baaray in loo sheegay in uu ka dhacay xanuun caloosha ku dhaca oo ah TP.

Dalka Shiinaha haddii qof ajnebi ah ku geeriyooda waxaa dhacda in la gubo.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com