35 xildhibaan oo ka laabtay dalabkii is-casilaadda + 22 sheegay in laga been abuurtay + Magacyada qaar & xog kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo maalmahaan ka socdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ayaa la sheegayaa in 35 xildhibaan ka noqdeen soo jeedintii ahayd in Madaxweynaha Soomaaliya is casilo. Sidoo kale 22 Xildhibaan ayaa sheegay in magacooda laga been abuurtay oo aysan kamid ahayn xildhibaanada qorshahaas horboodayey.

Mooshin ka laabashadaan ayaa timid kulamo is dabajoog ah oo maalmihii lasoo dhaafay xildhibaanadu la yeelanayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya. Xildhibaanada ka laabtay mooshinkii dhaleeceynta ahaa ee loo soo jeediyey Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdulqadir Macalin Nuur, Xildhibaan Cumar Finish, Xildhibaan Cabdulkadir Hashi, Xildhibaan Cabdi Hashi, Prof Dhalxa iyo Xildhibaano badan oo kale. Sidoo kale Xildhibaan Sanyare oo kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegayaa inuu wadahadal kula jiro Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanadaan isa saxay ayaa kusoo aadeysa xili manta Magaalada Muqdisho hareeyeen banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageeraayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo horumarka Caasimada Muqdisho. Shiribkii Maanta ee Banaanbaxa ayaa ahaa ” MADAXWEYNE MUUNGAAB AA LAGA MASEYRAY ASAA MOOSHINKAAN LA KEENAY”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo badanayey xildhibaano qaswadayaal ah oo u muuqanayey inay ka shaqeynayaan dib u dhaca dalka Soomaaliya. Mooshinada baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday kuwa saameeya kaliya Caasimada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey Shirkada SARACEN international ka joojiyey inay ka hawl gasho Magaalada Muqdisho, balse shirkadda SARACEN markii laga joojiyey Magaalada Muqdisho waxaa looga yeeray Maamulka Puntland oo ay haatan ka hawl gasho, iyada oo shirkada SARACEN u tababrtay Maamulka Puntland Ciidan gaaraya 4000 oo askari, ciidankaa oo loogu yeero Ciidanka Badda ee Puntland. Shirkada SARACEN ayaa qalabeysay Ciidanka Badda Puntland iyadoo qalabka ay siisay ay ku jiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Shacabka Muqdisho ayaa aad uga xumaaday in Baarlamaan ka kooban Soomaaliya oo dhan, gobolada inta badan xildhibaanadu kasoo jeedaana dawladu maamulin dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba in haddana Baarlamaanku isku arko Baarlamaan deegaanka Muqdisho metela. Shacabka Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanku uu noqdaa mid u dhaxeeya Soomaaliya balse aysan suuragal ahayn in Muqdisho iyo Gobolada aan lahayn maamul matela loo arko meel banaan oo aan dad laheyn, lagana hor istaago horumarka, sidoo kalana la beegsado Masuuliyiinta Soomaalinimada aaminsan oo Goboladoodii ku marti geliyey dhamaan qabaailka Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa u sheegay Baarlamaanka in Federaalku Micnihiisu aheyn in hal gobol culeys la saaro, horumarka loo diido, halka gobolada kale ay sameynayaan horumar. Muqdisho kama bedelna Nairobi oo ah Caasimada Kenya, ahna Gobol ka mid ah 47-da gobo lee Federaalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com