XOG: JAWAARI oo u dhow inuu miiska soo saaro madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa lagu warramayaa inuu ka fekerayo inuu madaxweyne Xasan miiska u saaro xidlhibaannada si ay cod ugu qaadaan iyo in kale.

3 maalmood ka hor, ayaa guddoomiyaha waxaa la gaarsiiyey warqaddii is-casilaadda looga dalbaday madaxweynaha, kadib markii uu la kulmay 42 xildhibaan oo ka mid ah kuwa diidan madaxweynaha.

Sida xubno ku dhow Jawaari ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa cadaadis ku haya xildhibaannada mucaaradka ah oo doonaya in arrinta Xasan baarlamanka uu ka doodo.

Jawaari, weli waa uu ka caga jiidayaa arrintan, waxaana uu ka war sugayaa in xildhibaannada iyo madaxweynaha ay xal gaaraan, si looga baaqsado cod loo qaado madaxeynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah xalka lasoo jeediyey uu yahay in wasiirada isku shaandheyn lagu sameeyo, daaqadana laga saaro kuwa Damu-Jadiid, si Xasan u bad baado.

Waxa uu Jawaari ugu yaraan sugi doonnaa illaa toddobaad dheeri ah, waxaana xubno ku dhow ay lee yihiin haddii xal la gaari waayey waxa ay u badan tahay inuu arrinta Xasan baarlamanka u furo ayna ka doodaan.

Dastuurka Soomaaliya, waxa uu qabaa in haddii madaxweynaha ay soo eedeeyaan xldhibaanno ay arrintiisa gasho maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, sidaa darteedna ma cadda sida uu Jawaari arrintan u waafajin karo sharciga.

Si kastaba dad xog ogaal ah waxa ay lee yihiin, dastuurka Soomaaliya sidii la doono ayay xildhibaannada u macneeyaan, sidaa darteedna la yaab ma noqon doonto haddii Xasan iyo xildhibaannada ay isku arkaan baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com