Xog: Xildhibaano cusub oo Mudullood ah oo doonaya is-casilaadda Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay xildhibaannada ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Mudullood ee doonaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu is-casilo.

Horey waxaa u caddeeyey inay doonayaan is-casilaadda Xasan, 3 xildhibaan oo kala ah Cabdulqaadir Cosoble, Cumar Finish iyo Cabdulqaadir Macalin Nuur, oo kasoo kala jeeda saddexda jilib ee Abgaal ugu weyn, Harti-Abgaal, Wacbuudhan iyo Wacaysle.

Xog cusub oo soo gaartay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xildhibaanada Mudullood ee doonaya is casilaadda Xasan ay gaarayaan 12, ayada oo 9 ka mid ah ay yihiin Abgaal.

Xildhibaanada badankood waxaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida Xasan Sheekh wax u wado, sidaa darteedna ay door bidayaan is-beddel.

Waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa ka mid ah waxqabad la’aan deegaanada beesha iyo hurinta colaad beesha dhexdeeda ah, sida ay sheegeen xubno xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online.

Xasan Sheekh, ayaa la sheegayaa inuu isku dayayo inuu kasbado taageerada xildhibaanada beeshiisa, balse illaa iyo hadda ay ku adkeysanayaan is-casilaaddiisa.

Sida xubno ku sugan Villa Somalia ay xaqiijiyeen waxa ay tani walaaca kusii kordhisay madaxweynaha, oo aaminsan in haddii mooshinkiisa uu gaaro baarlamanka, ay adkaan doonto inuu bad-baado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com