Xog: Xasan oo wadnaha farta-ku-haya (Maxaa keenay socdaalka Kampala?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa xog cusub ka heshay socdaal deg deg ah oo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh uu shalay ugu amba baxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu walaac xooggan ka qabo shir la sheegay in beesha caalamka ay mas’uul ka tahay oo dhowaan mar kale lagu qaban doono magaalada Kampala.

Shirka oo ay beesha caalamka kula shireyso ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in looga tashan doono ama wax looga weydiin doono xaaladda Somalia.

Kulankii madaxweyne Xasan iyo Yuweri Musefani
Kulankii madaxweyne Xasan iyo Yuweri Musefani

Sida ay lee yihiin ilo-wareedyada Caasimada Online, Shirka laguma casuumin lagumana war-gelin dowladda Somalia, taasina waxa ay walaacisay Xasan Sheekh, oo markii horeba culees uu ka haystay dhinaca xldhibaanada baarlamanka.

Waxa uu madaxeynaha Uganda kala hadli doonaa sida ay wax u socdaan iyo mowqifka dhabta ah ee beesha caalamka ay ka qabto dowladdiisa.

Inkasta oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu horey u sheegay in beesha caalamka aanay madaxyweynaha ku cadaadineyn is-casilaad, haddana waxaa lau warramayaa in Xasan weli walaacsan yahay.

Xildhibaanada baarlamanka ee dalbaday inuu is-casilo, ayaa sugaya illaa toddobaad, ka hor inta aan mooshinkiisa si toos ah loo horgeyn baarlamanka, maadaama loo qabtay inuu laba toddobaad isku casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com