DF oo degdeg ugu yeertay odayaasha Hawiye ee Hargeysa ku sugan kadib…

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo laabytay qaar ka mid odayaal dhaqameedyo booqasho ku joogo maalmahan deegannada Somaliland.

Odayaasha dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay 21-oday dhaqameed, waxaana odayaasha soo laabtay ka mid ah Maxamed Xasan Xaad.

Odayaashan oo u tagay Somaliland, siddii ay kulamo iyo barasho u yeelan lahaayeen salaadoonta iyo iyo odayaasha kale ee halkaas ku nool ayaa la sheegay in ay khilaaf xooggan ay ka dhex abuurayn siyaasiyiinta reer Somaliland.

Sidda qorshaha uu ahaa odayaashan waxaa la rabay in ay ka qaybgalaan xuska 18-ka May oo ah markii uu maamulka Somaliland ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii.

Odayaashan oo ka yimid Koonfurta Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waaxa ay booqasho ku tagayn magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Odayaashan yaa diray?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya odayaashan cidda dirtay, waayo maamulka Somaliland wuxuuba lee yahay annaga waxaa nahay dal madax banaan mana dooneyno is dhex gal iyo in dib loo soo celiyo Soomaliweyn.

Si kastaba, arrintan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga yaraan waxbay ka ogyihiin balse ilaa hadda kama hadlin.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa hadda u socda wadahadallo balse mid kasta wuxuu lee yahay dan gaar ah.

Tusaale, dowladda Soomaaliya waxa ay rabtaa in dib loo soo celiyo midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koonfur oo dib loo yagleeyo Soomaaliweyn, halka Somaliland ay rabto in labada dhinac ay ku noolaadaan darisnimo iyo Soomaaliya aqoonsato maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com