XOG: VILLA Hargeysa oo la isugu tagay iyo mooshinley oo shirar gaar ah wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadhigga baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhacay, kaddib markii labo xildhibaan kaliya ay soo xaadirayn.

Waxaa lagu waday in maanta mudanayaasha baarlamaanka ay cod u qaadaan shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in laga doodo mooshin shaley laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha keenay in uu dib baaqdo fadhigga baarlamaanka, balse xildhibannada qaar ayaa u sheegay Caasimada Online in uu jirro khilaaf ka dhexeeya guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, kaasoo salka ku haya mooshinka laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo shirkadda Favori.

Kulamo ka socda Villa Hargeysa

Dhinaca kale, xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka socda kulamo ay lee yihiin xildhibaannada qaar kuwaasoo ka arrinsanaya mooshinka laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa saluugsan xildhibaannada mooshinka ka daba wada wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo dhawaan uun hor yimid baarlamaanka kana jawaabay su’aallo badan oo la weydiiyay.

Si kastaba, marka loo eego xildhibannada baarlamaanka sidda ay wax u wadaan iyo qorshaha hor yaalla waa kaaf iyo kala dheeri.

Waxaa laga rabaa in ay dalka u horseedaan in ay dhacdo doorasho rasmi ah, lana dhammeestiro dastuurka qabyada ah sidoo kale la soo saaro shuruuc caalami ah, balse wax qabadkooda wuxuu noqday mooshin uun in la keeno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com