GAAS iyo ku-xigeenkiisa oo GACANTA isula tagay kaddib khilaaf soo baxay.

Garoowe (Caasimada Online)- Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Isniin ah baahisay war ku saabsan in uu jirro khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiis Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey.

Muxuu ku saleysan yahay khilaafka?

Sidda ay sheegtay Idaacadda warkan aan ka soo xiganay khilaafka wuxuu billowday markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu Bangi uu lee yahay maamulka Puntland ka soo saaray lacag badan balse aan la sheegin cadadkeeda, taasoo loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha maamulka Puntland, lacagtaas lama siin ilaa hadda shaqaalaha meel ay ka baxdana lama oga siddaas waxaa leh Idaacadda.

Sawirkan waa sawirkii laga qaaday markii uu Gaas dib ugu laabtay Garoowe markii uu ka soo laabtay Itoobiya iyo Yemen
Sawirkan waa sawirkii laga qaaday markii uu Gaas dib ugu laabtay Garoowe markii uu ka soo laabtay Itoobiya iyo Yemen

Lacagtan ayaa la bixiyay intii uu maqnaa Gaas oo uu safar dalalka Itoobiye iyo Yemen uu ku tagay, waxaana markii uu soo laabtay dhacay labo kulan oo mid ka mid ah gacanta la isula tagay.

Kulankii koowaad wuxuu dhacay Sabtidii toddobaadkan, waxaana labada mas’uul ay is weydiiyeen sababta keentay iyadoo bisha May ay mareyso 12 in shaqaalaha maamulka Puntland aan mushaaraad la siin lacagtii loogu talagalayna laga soo saaray bangiga.

Kulankaas horre waa la isku is afgaran waayay waana lagu kala booday, shaley oo Axad ah ayaa haddana uu kulan kale dhex maray labada mas’uul oo wuxuuba gaaray meel qaraar oo gacanta ayaa la isula tagay, sidda ay lee yihiin ilo u warramay Idaacadda aan warkan ka soo xiganay.

Marka laga soo tago warkan ay baahisay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ma jirto cid kale oo xaqiijisay in uu jirro khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa.

Haddii uu warkan xaqiiqo noqdo, ma ahan waa ugub ku ah khilaaf soo kala dhexgala madaxda Soomaalida, waxaana ugu dambeeyay khilaafkii soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaarihii horre Saacid, oo aaqirkii meesha laga tuuray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com