Diyaarad milateri oo KENYA leedahay oo ku burburtay gudaha Soomaaliya

Ceel-Waq (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aannu ka helnay diyaarad militeri oo ku burburtay dalka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in uu ku dhintay mid ka mid ah labada duuliye ee saarnayd diyaaradda.

Xog badan lagama hayo sidda ay u soo dhacday diyaaradda, balse dadka deeganka waxa ay lee yihiin diyaaradda ay markii ay soo dhaceysay waxay burburisay dhowr gurri oo ku yaalla Ceelwaaq.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradda oo ay la socdeyn 15 qof oo uu ku jiray duuliyaha geeriyooday.

Waxa ay lee yihiin wararka qaar diyaaradda waxa ay ku socotay Nairobi, warar kale waxa ay lee yihiin diyaadda markaas ayey soo dagaysay.

Ilaa 14 askari oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmayn diyaaradda ku burburtay Celwaaq oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaradda waxaa laga lee yahay dalka Kenya, waxaana askarta dhaawaca la geeyay Isbitaalka Ceelwaaw oo hadda lagu daweenaayo.

Kenya ilaa hadda kama hadlin diyaaradda Militeri ee ku dhacday xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ciidamo ayaa ka jooga koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com