Dhageyso: Kenya oo raali galin buuxda ka bixisay xarigii qunsulka Soomaalida

Nairobi (Caasimada Onine) – Labo toddobaad ayaa laga joogaa markii dowladda Soomaaliya ay u yeeratay safiirkii ka joogay agaalada Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), arrintaas ayaa ka dambeesay markii ciidanka Kenya ay xirayn bishii horre diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Isagoo u warramayay idaacadda Bar-Kulan ayuu sheegay in dowladda Kenya ay raalli gallin ka bixisay xarigga qunsulka Kenya u fadhiya Nairobi Siyaad Maxammuud Shire.

“Waxaan ku maqnaa Muqdisho magaalada madaxda Soomaaliya, waxaan dowladda Soomaaliya warbixin ka siinaayay xaaladda Soomaalida ku dhaqan Kenya, dowladda waxa ay sheegtay ina y ka xuntahay xarigga qunsulka Soomaaliya”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi

“Dowladda Soomaaliya waa ay aqbashay dowladda Kenyana raalli galin ayey soo bixisay, annigana shaqadeyda ayaab dib ugu soo laabtay” ayuuu yiri.

Waxaa la weydiyay in uu ka warqabo xaalada ay ku sugan yihiin Soomaalida lagu xiray dalka Kenya, wuxuu sheegay in ay ka war qabaan oo dowladda ay sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibtaada lagu hayo Soomaalida.

Mar wax laga weydiiyay saameynta uu xiriirka labada dal ku yeelan karo xarigga qunsulka ayuu xusay in aysan jirin wax saameyn ah oo arrintaasi ay yeelan karto, maadaama ay raaligelin bixisay Kenya.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aaney ka hadlin dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii balse markii qunsul muddo kooban la xiray ay hadashay.

Halkan ka dhageyso safiirka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com