Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga ka mid ahaa hogaaamiyeyaashii hore ee Muqdisho Muuse Suudi Yalaxoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalada wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay maamulka Gobolka Banaadir inay dib u dhis ku sameeyaan wado muhiim ah oo burbursan.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan wuxuu Muuse Suudi madaxda maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay inay iska iloobeen jidka isku xira Kaaraan iyo Isbitaalka Keysaney, isagoo ku booriyay in loo istaago wadadaasi oo dib u dhiskeeda sahlan yahay dhibaato, ayna dhibaato weyn ku qabaan dadka degaankaasi.
Dhageyso Muuse Suudi
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/02/MUUSE-SUUDI.mp3″]