Dhageyso: Muxuu Madaxweyne Xasan ka yiri Heshiiskii Adis-Ababa?

Muqdisho (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia , kaas oo lagu soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubba ee hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiskaas , isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay dagaalkii dhawan ka dhacay Kismaayo , waxaana uu shaciyay in dowlada ay mar waliba u taagan tahay nabadeynta BulshadaSoomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu tilmaamay in mar hadiiba la xaliyay arintii muranka badan dhalisay loo baahan yahay in xal laga gaaro caqabadaha kale ee ku hor gudban dowlada Soomaaliya isla-markaana keeeni kara inuu khilaaf yimaado.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay Go’aankii dhawaan Maamulka Puntland uu ka qaatay dowlada Soomaaliya , isagoo sheegay in uusan u muuqan Khilaaf heerkaas gaarsiisan oo keeni kara inay go’aan heerkan ah ay qaadato Puntland.

Wuxuu sheegay inuu ka xunyahay go’aankaas ay qaadatay Puntland isla-markaana uu sii horseeday kala fogaanshiyaha bulshada Soomaaliyeed wxaana uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa ugudambeyn wuxuu shacaka Soomaaliyeed ka dalbaday inay caawiyaan isla -markaana ay muujiyaantaageeridda dowladda Soomaaliya si dowladu ay horu socod u sameyso .

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com