Dhageyso: Sababta uu isku casilay wasiir Daahir Geelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday sababta uu isaga casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre.

Daahir Maxamuud Geelle oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka.

Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii dhowaa aad uga soo horjeeday siyaasadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, islamarkaana dhinaca kale uu ra’iisul wasaaraha u arkay nin amar badan oo isla weyn.

Hoos ka dhageyso wasiirka oo ka hadlaya sababta uu isku casilay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com