Mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi oo ka billowday Boorama

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso, ayaa sheegaya in magaalo katirsan deegaanada Somaliland ay goordhoweyd ka bilowdeen mudaharaad balaadhan.

Badhtamaha magaalada Boorama ayaa hadda waxa ka bilowday mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan dadweynaha reer Borama, kuwaasi oo ka biyo-diidan in talaabo adag ay Xukuumada Biixi ka qaadi waayey dadkii ka dambeeyay dilkii labada sarkaal.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in dadweynahan ay taayiro ku gubeen wadooyin muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada, iyagoona madaxa ku xidhnaa maro cas.

Dadweynahan ayaa ka gadoodsan dilkii gobolka Sanaag loogu geystay Saraakiil katirsan Ciidanka Somaliland oo kasoo jeeday deegaan ahaan Gobolka Awdal.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kusoo rogay xaalad deg-deg ah degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, taasi oo ay daba socotay kadib dilkii Saraakiisha katirsanaa ciidanka Somaliland.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com