Maxaa qadka taleefonka ku dhex maray abwaan Guure iyo R/Wasaare Kheyre ka hor inta aan xilka laga qaadin?

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan la socon in Abwaan Cismaan C/laahi Guure uu ahaa ninki lahaa fikradda iskaa wax uqabsada cusub ama “is xilqaan” oo ah ololaha ugu weyn ee ay dowladda maanta jirtaa ku dhistay qaar kamid ah xarumahi burburay ee dowladda.

Waxay ahaataba, Abwaan Guure maanta waa la coleystay oo waxaa isaga oo dalka dibadda uga maqan laga qaaday xilkii agaasimaha golaha murtida!. waxaan maqli jiray ‘Kacaanku ilmihiisa yuu cunnaa’

Saxiibbayaal waxaan fursad uhelay maanta in aan qadka taleefoonka kula sheekeysto Abwaan Guure maareyihii hore golaha murtida Qaranka oo shalay xilki laga qaaday.

Abwaan Guure ayaan ugu horeeyn weydiiyay sida ay wax u dhaceen? wuxuu iigu jawaabay ” Shalay saacaddu marka ay ahayd 1-di duhur-nimo waqtiga Muqdisho ayaa waxaa idaacadda Kulmiye (KNN) ka baxay war ku saabsan in uu socdo wadahadallo u dhaxeeya madaxda mucaaradka ,Maammul goboleedyada iyo Madaxweynaha oo ah in la baddalo RW Khayre.

Abwaan Guure wuxuu yiri “qiyaastii wax yar kahor 1:30 waqtiga Muqdisho waxaa isoo wacay RW Khayre oo careysan wuxuuuna i faray in aan shaqada ka eryo wariyaha warka sheegay iyo agaasimaha idaacadda, islamarkaana aan raaligelin ka bixiyo warkaasi ka baxay Idaacadda”.

Abwaan Guure wuxuu yiri “waxaan u sheegay raysil-wasaaraha in aan anigu awood u lahayn in aan shaqada ka eryo wariye ka shaqeeya KNN, kol haddii aanan hadda mas’uuliyadda idaacadda haynin, teeda kale idaacaddu xeer ayay leedahay, dalkana sharciga warbaahinta ee baarlamaanka la mariyay ayaa xaq usiinaya wariyaha in uusan sheegin ilo-wareedkiisa ilaa ay maxkamad ka codsato marka la horgeeyo.

Abwaan Guure wuxuu yiri “ ugu yaraan 10 daqiiqo oo aan murmeynay waxba kalama dheefin, isaga oo careysan ayuuna Taleefoonka igu dhigay. kadib wax ka yar 5 daqiiqo waxaa isoo wacay Wasiirka warfaafinta Mudane. Daahir Maxamuud Geelle wuxuuna igu yiri “ Saxiib Abwaan Guure waxa aan kuu sheegayo ogoow wax lug ah kumma-lihi, laakin waa ammar la’iisiiyay, waxa uu ka soo baxay raysil-wasaare Khayre oo ifaray in aan xilka kaa qaado ee sidaa ula soco”!

Abwaan Guure waxaan ku iri buu yiri “ Hagaag, mudane wasiir waajibkaaga guddo, waxaad iga dambeysaba waa deyrta maanta ahe, adiguba idaacad waad leedahay, xilna dalka waad ka haysaa ee la soco”. Intaas marki aan Daahir is dhaafsanay kadib wax aan dhameyn 10 daqiiqo gudahood waxaa warka xil kaqaadisteyda oo si deg deg ka muuqdo loo qoray, loogu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ee oo ku hadasha afka xukuumadda. Marka aan leeyahay deg deg ka muuqdo waxaa masuuliyadda leyga qaaday lagu sheegay agaasimihii golaha ‘martida’ halki ay ahayd golaha ‘murtida’!.

FG: Waa inti aan ka qoray Abwaan Guure, dhinac kale warkooda mahayo, mana helin wali.

W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi
@hanoolaato.com