Maxkamada ciidamada oo maanta sii deysay nin horey laba jeer dil loogu xukumay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ka soo saartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel, kaasoo labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukutay dil toogasho ah.

11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland  ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho.

Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada  Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Galmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah  6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle).

Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida  ku bixiyeen  dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare.

5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana  ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay  ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com