Shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda oo soo bandhigay kiis xasaasi oo ka dhana Cawad + Caddeyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka tirsan Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxay kaga hadleyn xad gudubyo ay sheegeyn in lagula kacay Shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda taasoo lagu eedeeyey inuu sameeyey Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Shaqaalahaa iyo Diblomaasiyiintaas kulanka yeeshay ayaa ugu horey cambaareeyey Xudgudyo ay sheegeyn inuu ku kacay Wasiir Cawad, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1) – Inuu ku xadgudbay Sharciga Arrimaha Dibadda (Foreign Service low) kadib markii uu magacaabay Diplomaasiyiin gaarayo illaa  42 qof si hareer marsan sharciga Arrimaha Dibadda, dadkaas oo dhammaantood laga xulay banaanka dalka weliba aan aheyn Shaqaale Dowladeed una badan Soomaalida degto Kenya iyo Gelinka Shanaad.

2) – Inuu dayacay ama waqtigooda uu riday fursado waxbarasho oo ay ku deeqeen Dowlado Saaxiibo la ah Soomaaliya oo qaarkood ahaa Master Degree iyo PHD.

3) – Inuu ku kacay Musuq maasuq Maaliyadeed kadib markii uu Diplomaasiyiinta u diiday lacago ahaa Safar iyo Kharashaad kale oo ay xaq u lahaayeen.

Shaqaalahaa iyo Diplomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Cawad kusoo eedeeyey illaa 7 Qodob oo uu ku kacay sida aad ka akhrisan kartaan  War Saxaafadeedka ay soo saareyn.

Sidoo kale Waxay soo bandhigeyn qaar ka tirsan Documentiyadii uu Wasir Cawad ku magacaabay xilal diplomaasiyadeed oo kala duwan.