Xog: DF oo shirka Garowe uga qeyb-galaysa arrin ay ka cabsaneyso darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa go’aamiyey in dowladda ay ka qeyb-gasho shirka uu ku baaqay madaxweynaha Puntland ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shirkaas oo la waqtiyeeyey labada bisha May, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka arrinsanayey oo dood weyn uu ka dhex abuuray madaxda dowladda, oo marar badan ku fakaray inaysan ka qeyb galin.

Sababta ugu weyn ee dowladda uga laba labeeneysay ka qeyb-galka shirkaas ayaa ahayd in haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, ay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama madax goboleedyada ay diideen shirkii uu Farmaajo ku baaqay ee Muqdisho.

Si kastaba, warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda ay go’aamisay inay ka qeyb-galayso shirkaas, ayada oo sababta ugu weyn ay tahay cabsi ay ka qabto in haddii ay ka baaqato ay madax goboleedyada kusoo dhisaan dowladda isbahaysi cusub oo caqabad kale ku noqdo.

“Haddii inta aan ka baaqanno shirka, oo halkaas ibahaysi cusub lagu dhiso waa arrin dowladda aad u dhaawaceysa kadib dagalakii xoogganaa ee ay la gashay isbahaysigii hore” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay sarkaal ka tirsan Villa Somalia.

Isbahaysigii hore ee madax goboleedyada ayaa burburay kadib markii qaar ka mid ah madaxweynayaashii maamul goboleedyada ay xilka ka degeen halka qaar kalena ay la safteen dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com