Cali Khaliif GALAYR: “Cirka ha soo leefto cidii naga sheeganeysa Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ka dhacay magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay halkuu ku dambeeyay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba.

Dr Galeyr ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ilaa hadda fulin heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoona ka dhawaajiyey ujeedka ay u dalbadeen in la furo dastuurka Somaliland.

“Heshiiskaanu Somaliland la saxeexnay ee magaalada Caynaba ku kala saxeexanay bishii October 20-keedi 2017-kii, Youtube-ku ku jira meel walbana waa yaala, ‘Baabu-ijtihaad-maftuux’, Haddii aad raadineysan, qodobadiisi kama wada hadli karo, waxa muhiim ah in aan isla ogolaanay in heshiiska la hirgeliyo, qodobka ugu dambeeyana wuxuu leeyahay, cidii maamuulka kan ka dambeysa qabata, waxa maslaxad loogu yahay, inay fuliyaan oo ay hirgeliyaan heshiiskaa, mana hirgelin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadaan leenahay Somaliland baanu-nahay ee cidii Somaliland iga sheeganeysa inay i qanciyaan ugama baahni, waa ahay Somaliland, cirka soo leefa”.

“Bal cidda naga leh ee odhaneysa adiguna haraa baa tahay, ana mujaahid baan ahay, dadku hadeyna taariikh wada-laheyn oo wax la isla ogolyahay, balaayo waxay ka dhacday waxa hada nool wax iskuma hayaan, war taariikhda isku haynaa, bahashii haday abtirsiimo ku qorantahay, dee waxan isku nahay ma jirto, cid walba abtirsiintiisa iyo geeliisu aadaya”.

Dhinaca kale, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa la waydiiyey ‘haddii uu heshiiskaasi fuli waayo, muxuu noqonaya mustaqbalka Khaatumo’, wuxuuna yiri:

“Inaan dagaal soo qaadi doono iyo inaanu tabliiq wadi doono taladaa dad baa leh, laakiin aniga la igu cabsi galin mayo himika ma dagaal baad nagu soo qaadeysa, hadey gartaan dadkaasi, go’aanka iyaga leh”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com