R/W Kheyre oo 2 wasiir oo cusub magacaabay maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, taasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga oo dhawaan xilkaan loo dhiibay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdullaahi Cali Xasan. Waxa uu kasoo jeeda beesha Wacaysle ee Abgaal, si la mid ah Daahir Geelle.

Waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli saacado uun ay kasoo wareegtay markii uu xilka iska casiley Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay xilkaan mar horey u soo qabtay,waxaana hadda uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com