Fiqi: Daahir Geelle wuxuu tusaaleeyey kuwa xilal ku beddeshay karaamadoodii

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay go’aankii uu maanta isku casilay wasiirkii warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Fiqi ayaa sheegay in Daahir Geelle uu tusaaleeyey in xukuumadda Nabad iyo Nolol aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu soo dhigay facebook.

Wasiir Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu ka mid ahaa wasiirada fara ku tiriska ah ee dawladnimada iyo dimuqraadiyaynta dalka aragtida ka leh.

Waxaan ugu hambalyaynayaa In uu gartay mudane Daahir Geelle ka sii mid ahaanshihiisa xerada xukuumadda xadrada In aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, wuxuu tusaaleeyey waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed.

Waxaan hubaa In Mustaqbal ka weyn baytul cankabuudkii uu kaa horeeyo oo aad dalka iyo dadka ugu shaqayn karto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com