29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso siyaasi caan oo xog muhiim ka bixiyey wixii dhacay iyo dhawaciisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo kamid ah dadkii maanta ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxii ka dhacau Hotel Central.

Wuxuu sheegay inuu kamid ahaa dadkii dhawac kuna dukanayay masjidka weerarka lala eegtay, isagoo sheegay inuu kusoo dumay saqafka sare ee goobta ay ku dukanayeen, sida uu sheegay.

Sidoo kale indhahiisa ayuu sheegay inuu ku arkay qabar qoorta ka go’day iyo dad kale oo meyd ah, isagoo sheegay inay ku adkaatay ogaanshaha dadka kale ee waxyeelada ay soo gaartay.

Qasaaraha ayuu ku sheegay inuu ahaa mid lixaad leh oo ka dhashay qaraxii maanta ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News