Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulaahi Goodax Barre, wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweyn u sameeyay Shariif Xasan Sheikh Aadan, 0o shalay loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.
Wasiirka aya sheegay inay soo dhaweynayaan doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay inay tahay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada Soomaaliya, sida uu sheegay.
Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xiriir hoose wuxuu kala dhaxeeya madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh, waana midda ka careysiisay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa kamid ah wasiirada taageersan madaxweynaha dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay la shaqeyn doonaan dhankooda.
Arrintan ayaa la filayaa inay ka carreysiiso guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari, oo si aad ah u diidanaa doorashada Shariif Xasan.
Wareysi uu siiyay VOA ayaa lagu weydiiyay diidmo horay uu u diidi jiray maamulka koofur galbeed iyo taageeradiisa hadda farqiga u dhaxeeya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

