DHAGEYSO: Shirkad TURKISH ah oo la wareegeysa Dekeda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada online) Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa Maanta si rasmi ah u ansixiyay Shirkad Cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga laguna magacaabo (Albeyraad) Taas oo si toos ah ula wareegeysa Dekeda Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Somalia Ridwaan Xaaji C/wali ayaa sheegay in Shirkadan ay si toos ah ula wareegeyso howsha Dekeda Muqdisho , isla -markaana ay ka shaqeyn doonto Tayeenta iyo Qalabeynta Dekada.

“Hadda dhaqaalaha kasoo Xarooda Dekedda Muqdisho Maalinti waa 200$  ilaa 30o$  (Laba boqol ilaa Seddex Boqol oo Doolar, Balse Shirkadaanw axay Balan qaaday in Maalintii Dekedda Qarashka kasoo Xaroodo ay gaarsiin doonto 6.5 Million Doolar” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada Somalia.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay balan qaday Tababaridda Shaqaalaha Dekedda Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in golaha wasiirada ay go’aan sadeen inay ansixiyaan howsha shaqo ee Shirkadan.

Ridwaan Xaaji, afhayeenka Xukuumada Somalia, wuxuu sheegay in sidoo kale Kulankoodi Maanta ay kaga hadleen Miisaaniyada dowlada Somalia oo uu sheegay inay gaartay heerkii ugu sareeyay tan iyo wixii ka dambeeyay dowladii dhexe ee dalka.

Si kasto Golaha wasiirada ayaa kulan aan Caadi aheyn waxay ku yeesheen Muqdisho , waxaana shir gudoominayay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somala.

Waa shirkadii Labaad oo Turki ah oo la wareegay Mid ka mid ah ilaha Dhaqaale ee ugu Muhiimsan Somalia , waxaana arintan ay timid Xilli Hore Shirkad Turki ay ula wareegtay howshii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Halkaan Hoose ka dhageyso Ridwaan Xaaji C/wali

Halkaan ka dhageyso Afhayeenka Xukuumada Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com