Dhageyso: Taabit Cabdi” intii aan xilka hayay waxan arkay in dalka kalsooni daro ay ka Jirto”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Xaflada soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo xafladasi ku maamusay Duqii hore ee Caasimadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Turkiga.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda ayuu Taabit ka sheegay waxyaabihii uu ka kororsaday intii uu xilka hayay, isagoo sheegay inaysan dalka ka jirin amni darro balse ay ka jirto kalsooni daro, wuxuuna si weyn u amaanay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee nabadda dalka ka qaadan karaan.

Taabit ayaa Munaasabadda waxa uu ka jeediyay khudbd uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo waxyaabihii uu ka bartay intii uu xilka ka hayay Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in intii uu hayay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ogaaday in dalka aysan ka jirin amnidaro balse ay ka jirto kalsooni daro,taasina ay ugu wacan tahay in aan la ilaalin karaamada Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu hadlkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in la dhiso kalsoonida Shacabka si loo helo amni buuxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.coma