Maxaa ka jiro in Golaha Amniga Qaranka uu la wareegay Shaqadii Xukuumadda iyo Baarlamaanka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore Golaha Amniga Qaranka ayaa la wareegay shaqadii loogu talagalay inay qabtaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Golahaan ayaa wuxuu u muuqdaa in lagu badalay Madashii hore ee Wadatashiga Qaran ee xilligii Xasan Shiikh Maxamuud ee loo diyaar garoobayey doorashadii uu Farmaajo kusoo baxay waqtigaas oo dariishada laga saaray Baarlamaankii 9-aad.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo ku mideysaan golahaan ayaa soo saaray war murtiyeed ku saabsan awood qeybsiga kheyraadka dalka iyo in loo diyaar garoobo doorasho ka dhacdo Soomaaliya waxayna midaas si cad u muujineysaa in lala wareegay awooddii iyo shaqadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale dhigayey tubta siyaasadda loo dhan yahay ee sanadka 2020, taasoo qeyb ka ah nooc doorasho oo la rabo in dalka la gaarsiiyo iyo diyaarinta sidii Dastuurka looga saari lahaa Xaaladda kumeel gaarnimada, waxaana dhammaan howlahaan laga rabay Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Golaha amniga ayaa hadda ku socdo wadadii Madashii Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh markaas oo howlgab laga dhigay Baarlamaankii waqtigaas jiray, waxaana arrintaan si wadajir ah ugu heshiiyey madaxda ugu sareyso dalka iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore dood adag uga keenay heshiisyo ay gaareen Golaha Amniga Qaranka, waxaana heshiisyadaas kamid ahaa dhismaha Ciidamada.

Kulamada joogtada ah oo ay yeelayaan Golaha amniga Qaranka ayaa shaki weyn gelinayo in lala wareegay shaqadii Baarlamaanka, waxaana hadda la iclaamiyey in Bishada soo socoto kulan lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.coma