Dhageyso: Villa Somalia oo soo bandhigtay xogta safarkii Caruusha ee Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee ka socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa Jimcihii shalay lagu go’aamiyey in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsiga ay Soomaaliya u gudbisay dalladaas oo ay dooneyso in ay ku biirto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey, muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ururkaas iyo rajada ay qabto, kadib ka qeyb galkii shir madaxeedka dalalkaas ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in safarkaas uu daba socday marti qaad uu madaxweynuhu ka helay madaxda ku mideysan daladdaas, isla markaana ay Soomaaliya fursad u heshay inay dib u soo cusbooneysiiso, codsi ay daladdaas u dirsatay sanadkii 2012-kii.

“Daladaas waxaa ku mideysan todobo dal, Soomaaliya waxay ka faa’iideysaa waxyaabo badan, sida in badeecada Muqdisho laga dejiyo ay gaari doonto dal kasta oo xubin ka ah daladaas, iyadoo aan laga qaadin canshuur kale,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay fursad u heli doonto suuq lagu mideysan yahay, “Soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ahaan dalkeenna ayey wax ka tareysaa hadaan wadamadaas ka mid noqono,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya oo weli soo ka basho ku jirta ay hadda xiriir ganacsi oo baaxad leh uu kala dhaxeeyo Kenya iyo Tanzania oo ka mid ah wadamada ugu muhiimsan daladda bulshada bariga Afrika.

Wuxuu sheegay afhayeenku in codsigii hore ee Soomaaliya uu hakad galay kadib markii uu Xasan Sheekh Xafiiska ka tegay sanadkii 2017-kii, xiligaas wixii ka dambeeyana waxaa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la laheyd qaar ka mid ah wadamada ururkaas.

Madaxda wadamada ku bahoobay daladdaas ayaa Jimcihii go’aamiyey in Soomaaliya loo soo diro guddi, si loo sii amba qaado qiimeynta codsiga Soomaaliya, waxayna arrintaan qaada karta muddo sanad ama laba sanadood ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga afhayeenka