Xog: Xasan Sheekh, Xamza iyo Aadan Madoobe oo isku raacay qorshe ku saabsan magacaabista Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.

Ilo wareedyo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdu ay isla meel dhigeen in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu codsado 10 maalmood oo dheeraad ah.

Kulankaan ayaa caawa ka dhacay Villa Somalia, waxaana la isla gargay in fursada uu dalbaday la siiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku Xamza la qaateen qorshihiisa mudo dheereysiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhameystay 30-kii cisho ee xukuumad lagu soo dhisi jiray, waxayna xogtaan sheegeysaa in 10 cisho oo hadda kadib ah aan lasoo saari doonin liiska golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.