Dhageyso: VOA oo warbixin xasaasi ah ka diyaarisay kiiska Qalbi-Dhagax iyo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda VOA ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka diyaarisay dowlada federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay wajahaysay culeysyo siyaasadeed iyo bulsho oo is xig-xigey.

Warbixinta ayaa ka hadleysa ka soo billoow dhacdadii Bariire iyo qaabkii ay dowladu uga kala hadashey dhacadaas iyo sarkaalkii ONLF ee la sheegey in ay dowladu u dhiibtey dalka Ethiopia.

Warka ku aadan dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxa ay dowlada ku keentey culeys iyo dhaleeceyn uga timid bulshada Soomaalida qaarkood, wax garadka iyo waliba mudanayaasha Baarlamanka.

Dawladda ayaan weli faahfaahin buuxda ka bixin qaabka u martay wareejinta sarkaalkaasi ONLF iyo sharciyada ay u codsatay. Waxaana ay arrintan ay imanaysaa iyadoo dadka qaar su’aalo iska weydiinayaan sharciyadda wareejintaasi iyo inay jireen heshiisyo ka dhexeeyey labada waddan.

Warbixintan ayaa waxaa lagu wareystay aqoonyahanno badan, ooh ab sharci ah u eegaya kiiska Cabdikariim Qalbi-Dhagax iyo sida ay u wajahday dowladda, waxaana soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com