Digniin culus oo laga soo saaray qorsho ay wadaan Cosoble & Xulafadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga doorashooyinka maamulka HirShabelle ayaa digniin kasoo saaray faragalin iyo carqaladeyn lagu sameeyo hanaanka doorashada Hogaamiyaha cusub ee maamulka.

Sheekh Abuukar Xasan Cali, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada ayaa sheegay inay ka digayaan isku day lagu sameeyo in lagu carqaladeeyo doorashada.

Waxa uu Guddoomiye ku-xigeenka sheegay in aysan aqbali doonin in la hor istaago qabsoomida doorashada Hirshabeelle, xili ay fooda kusoo heyso.

Waxa uu intaa ku daray inay ka digayaan in la waxyeeleeyo xubnaha ka tirsan Guddiga iyagoo lawada ogyahay inay ku mashquulsan yihiin diyaarinta doorashada.

”Cidii qaadaa talaabo lid ku ah doorashada waxa ay mari doontaa waddo sharci ah oo aysan uga badbaadi doonin raali galin”

”Waxaan ka digeynaa in ciidamada la geeyay baladweyne lagu shaqeeyo si ay u sameeyan isku day fashilin doorasho”

Waxa uu xusay in qalalaasaha ka taagan iyo Ciidamada la geeyay baladweyne aysan saameyn ku yeeelan doonin hanaanka doorashada.

Haddalka Guddoomiye ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka uu cadeeyay inay jiraan xubno ku dhiiranaaya carqaladeynta doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com