Wiil uu dhalay Qalbi Dhagax oo fariin cajiiba u diray Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo weli lagu jahwareersan yahay qadiyada xirnaanshiyo ee Sargaalka C/kariin Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa fariin arrintaasi ku saabsan Madxaweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u diray wiil uu dhalay Qalbi-Dhagax.

Wiilkan oo da’ dhaxaadka ah ayaa Madxaweynaha Somalia ku wargaliyay inuu ka shaqeeyo sii deynta aabihii oo hadda ku jira gacanta dowlada Ethiopia.

Wiilkan oo kasoo muuqday banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay aabihiisa in Madaxweyne Farmaajo uu qabtay maalin Arbaco ah, taasi bedelkeeda uu u dhiibay dowlada Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ahaa haddalka wiilkaasi ayaa u dhacaayay ”Maalin Arbaco ah ayuu Farmaajo qabtay Aabaheyga, ilmihiisa ma ogolo in la waxyeeleeyo, waxaana ka codsanaa in Aabaheyga uu ii soo daayo”.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlada Somalia ay taariikhda u gali doonto dhacdada ay ku dhiibtay aabihiisa oo uu ku sifeeyay geesi gumeysi diid ah.

Wararka qaar ee soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Somalia aysan Qalbi Dhagax u gacangalin dowlada Ethiopia, balse uu halkaa ku tagay raali ahaanshiyihiisa, halka DFS ay aheyd keliya isku xirka labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, dalabka qoyska Qalbi Dhagax ayaa u muuqanaaya mid Farmaajo looga dalbanaayo in Qalbi Dhagax uu kusoo celsho dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com