Dhageyso: Wasiir Cawad oo sharraxaad yaab badan ka bixiyey go’aankii DF ay ku taageertay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharraxaad ka bixiyey go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay taageerada ugu muujisay dowladda Sacuudiga, xilli uu saaran yahay cadaadis caalami ah.

Wareysi uu siiyey idaacadda VOA ayaa wasiirka waxa uu ku sheegay in dowladda Sacuudiga lagu hayo hanjabaad caalami ah oo lagu sheegay in dhaqaalahooda lagu burburinayo taasina aysan sax ahayn.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda ayaa horey loogu yiri “Waxaan isgarab-taag uga muujineyna cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto oo ay xumeyso dhibna gaarsiiso kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”.

Qiimaha saamiyada shirkadaha Sacuudiga ayaa toddobaadkan lumiyey 7% qiimahooda ama 35 bilyan oo dollar, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu ciqaabi doono Sacuudiga haddii ay ku caddaato dilka suxufi Jamal Khashoggi.

Axmed Ciise Cawad ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga ka wada tirsan yihiin Jaamacadda Carabta, islamarkaana go’aanka ay ku taageereen uu yahay mid ay ka wada siman yihiin dalalka xunaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Sacuudiga ay mar kasta taageeri jireen marka faro-gelin lagu sameeyo Soomaaliya, inkasta oo uusan caddeyn hal kiis oo taas muujinaya.

Wasiirka waa uu diiday inuu sharraxaad ka bixiyo haddii go’aanka dowladda Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan codsi ka yimid dowladda Sacuudiga oo ay taageero kaga dalbatay iyo inuu yahay mid ay iskeed u gaartay.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya uusan xiriir la lahayn kiiska weriyaha la’yahay ee Jamal Khashoggi, balse ay diidan yihiin in Sacuudiga loo hanjabo ayada oo aan go’aan rasmi ah laga gaarin kiiska weriyaha ama la helo caddeymo buuxa.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com