Ganacsatada Soomaalida oo ka guuraya DUBAI una wareegay laba dal oo kale

Beijing (Caasimada Online) – Ganacsatada Soomaalida waxa uu si weyn ugu tiirsanaa dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Dubai, hase ahaatee, hadda, waxa ay u muuqataa in is bedel aad u weyn ku timi arrintaas.

Qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn oo u warramaya xafiiska Caasimadda Onilne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in boqolkiiba sideetan (80%) ganacsatada Soomaaliyeed ka guureen Imaaraadka Carabta iyaga oo u wareegay dalalka China iyo Turkiga.

Ganacsatada u warramay Caasimadda Online qaar ka mid ah ayaa ku sugnaa Imaaraadka Carabta laga soo bilaabo 1996 ilaa iyo maanta waxa ayna ka warrameen sababtii keentay in ay ka guuraan Dubai oo ay u diga rogtaan China.

Qodobka kowaad ayey ku sheegeen in dalka China is fur furay oo ay ogolaadeen in dalkooda la galo, taas waxa ay fududeysay in ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Africa ay guuraan.

Waxyaabaha ku dhaliyey ayey ku sheegeen in maraakiibtii China ka imaan jirtay markii hore ku soo xiran jireen Dubai halkaas kaddibna loo soo rari jiray dekedaha Soomaaliya oo ay ku imaan jireen muddo ay ugu yartahay 15 maalmood. Hase ahaatee, hadda, waxa ay maraakiibta China ka soo baxa imaan doonaan Cumaan oo iyaduna maraakiibta iyo doonyaha ka yimaada ku soo gaadhayaan Soomaaliya iyo Jibuuti saddex maalmood.

Saameyntii siyaasaddeed Ee Imaaradka Carabta oo hoos u dhacday

Dowladda Imaaraadka Carabta waxa ay farogalin gurracan ku haysay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, iyaga oo xattaa ku xadgudbay sharciyaddii caalamiga ahaa.

Imaaradka waxa ay si sharci darro ah ula wareegeen qaar ka mid ah dekedaha Soomaaliya sida Berbera iyo Boosaaso oo ujeedka ay ka leeyihiin ay tahay sidii ay suuqa dekedda Dubai u ilaalin lahayd.

Taas waxaa dheer, in ay xasillooni darro ka wadday siyaasadda Soomaaliya oo ay isku dayday marar badan in ay gacan togaaleyso dowladda dhexe ama gebi’ahaanba mijo xaabiso.

Dhinaca kale, waxa ay dowladda dhexe iyada oo ka faa’iideysaneysa baahida ganacsatada Soomaaliyeed u qabeen dalkeeda ku xujeysay dowladda Soomaaliya go’aankii dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay murankii u dhexeeyey dalalka Khaliijka, taas oo meel ka dhac ku ahayd madax bannaanida Soomaaliya.

Hase ahaatee, waxaa hadda muuqata in saameynteedii siyaasadeed ee ay Soomaaliya ku lahayd, iyo waliba dhaqan–dhaqaale ay meeshii ugu hooseysay joogto maadama ay ganacsatadii Soomaaliyeed ka maarmeen, kana guureen.

Ugu dambeyn, ganacsatada Soomaaliyeed ee wareysiga gaarka ah siiyey Caasimadda Online, ayaa xaqiijiyey in hadda Imaaradka Carabta ay iga baryayaan ganacsatada Soomaalida si ay u sii joogaan dalkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Beijing
Caasimada@live.com