Dhageyso: Wasiirada dowladii Xasan oo laga mamnuucay inay dalka ka dhoofaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegayo in wasiiradii dowladdii Xasan ee uu waqtigeeda dhamaaday laga mamnuucay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaa markii la dhigay waraaq uu ku saxiixan yahay Hanti dhawraha guud ee qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Hanti Dhowraha  ayaa ka dhawaajiyey inay tahay  arrin aan fiicneyn oo sharci darro ah in golaha wasiirada ay saxiixaan miisaaniyadda iyadoo aan lagu soo wargelin isaga.

“Miisaaniyada sanadkii 2015 oo aan xisaab xir iyo xisaab celin laga sameyn, baa miisaaniyada hada la ansixiyay qalad baa ku jira, waana sharci daro ansixinta Golaha wasiirada, waxaana loo ansixiyay si qudbo siro”ayuu yiri Hanti dhowka Guud oo intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu isugu yeeray Wasiiro aan 10 dhameyn, kaddibna ansixiyay miisaaniyada.

Miisaaniyada ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu ka yar yahay miisaaniyada sanadkii 2016, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u celiyay miisaaniyada saddexda bilood ee uu soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda.

Tan ayaa kuu muujineyso inuu hanti Dhowraha qaranka muujinayo geesinimo maadaama uu bilaabay inuu la xisaabtamo madaxdii hore ee dowladdi waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba dhageyso hadalka Hanti dhawraha oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com