Dhageyso: Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta oo 5 qodob oo xasaasi ah hordhigay shirkaddaha isgaarsiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somaliya Eng Cabdi Canshuur oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho markii dib loo soo daayey internetkii Koonfurta Soomaaliya ka maqnaa muddoo 22 berri ah ayaa shirkadaha isgaasiinta hor dhigay qodobo xasaasi ah oo looga hortagayo inay mar kale dhacdo dhibaato noocaan oo kale ah.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlayey ayaa yiri:

“ Anaagoo ka faa’ideysaneyno fursadaan Qaaliga ah, waxaan dhinacyada kala duwan la wadaageynaa tilmaamaha aaan dooneyno in looga gaashaanto inay dib usoo laabato dhibaatada noocaan oo kale ah:

1)  In si deg deg ah loo ansixiyo xeerka isgaarsiinta qaranka kaasoo  qeexayo mas’uuliyada dhinac kasta, sharcigaasna wuxuu awood u siinayaa dadweynaha inay shirkadaha waydiistaan magdhow haddii ay si fiican ugu qaban waayaan adeegyada ay ku heshiiyeen.

2) Shirkadaha Isgaasiinta iyo adeegyada internet-ka waxaa laga doonayaa inay sameeyaan qaab xariga looga ilaalin karo maraakiibta kusoo xiraneyso Dakadda muqdisho isla markaasna loo baahan yahay inay kala kaashadaan hey’adaha dowladda oo ay arrintaas khuseyso.

3) Shirkadaha Isgaasiinta ee ka shaqeeyo internet-ka waxaa la farayaa inay sameystaan qad kale oo keyd ah ee loo yaqaan Pack up si ay ugu badbaadaan marka ay cilad timaado

4) Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa inay dalka ka furan tahay fursad ganacsi oo ay ku maalgashan karaan xargo kale, baahida sii kordheyso ee internet-ka waxay muujineysaa in loo baahan yahay xargo badan oo ganacsi ah

5)  Wasaaradda waxay gacanta ku heysaa qorsho qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhammaan daneenayayaasha isgaarsiinta dalka kaasoo damaanad qaadi doono in la helo isgaarsiin tayo leh oo la isku haleyn karo isla markaasna gaari karo dalka oo dhan” ayuu yiri Wasiirka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka oo dhameystiran

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com