“Ha dhageysana sacabka la idin kaga tumayo meelaha kale” (Dhageyso Puntland oo u digtay Galmudug)

Gaalkacyo (Caasimadda online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay qaabka ugu fudud ee Magalaadaas ay nabad ku noqon karto isla markaasna ay isla wada joogi karaan labada Maamul.

Cameey ayaa sheegay in Puntland ay dadaal dheeri ah iyo waqti badan ku bixisay, haddana diyaar u tahay inay ku bixiso nabadgalyada Magaalada Galkaacyo.

“ Waxaan u hureynaa Rabitaan, sugitaan iyo dulqaad intaba , waxaan jecelnahay ciddii ay arrintaan khuseyso oo ay ugu horeyso Galmudug inay sidaan noola fahamto, Madaxda Galmudug waan la hadlay, waxaana soo socdo madaxweyne ku xigeenka, anaga waxaan diyaar buuxda u nahay in nabadgalyo waarta la helo” ayuu yiri Cameey.

“ Nabadgalyada waxay runtii u baahan tahay in laga run sheego, hana la ogaado inaan Alle cidna Khiyaani karin, waxaa loo baahan yahay in wax dhab ah miiska lala yimaado” ayuu yiri.

“ Ujeedkeyna waa mid dhab ah, waa mid walaaltinimo, waa mid sokeeyanimo, Jaarnimo, nooc kasta oo nabad leedahay waan u mareynaa, dadkaan waa Candho iyo Caano, waa dad wada dhashay oo isku mid ah”

“  Dadkaan way isla dhasheen, waa inaan la maqlin dadka meelaha kale sacabka kasoo tumayo si loo waayo nabadglyada Gaalkacyo”

Waxa uu sheegay in Puntland ay dhaqaalo iyo waqti badan ay gelin doonto sidii nabad looga dhigi lahaa Magaalada Gaalkacyo oo ay dagaalo dhiig badan ku daatay uga dhaceen, sidaas oo kalana looga baahan yahay Galmudug inay dhaqaale iyo waqti hurto.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com