Dhageyso: Xasan oo ka hadlay qorshehiisa 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashooyinka dhici kara sanadka 2016 iyo qaabka ay noqon karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in doorashada dhaceysa sanadka soo socda aan la ogeyn qaabka ay noqoneyso, laakiin ay iska cadahay in dalka qof iyo codkiisa doorasho ah aysan ka qabsoomi karin, sida ay sheegeen baarlamaanka iyo xukuumada.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay ummada Soomaaliyeed  in baarlamaanka iyo xukuumada ay sheegeen in dalka doorasho ah qof iyo cod aysan ka dhici karin, laakiin micnaheeda uusan aheyn in dalka gabi ahaanba wax doorasho ah aysan ka dhaceynin.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa la weydiiyay arimaha aadka loo hadal hayo ee ku aadan iney doonayaan iney sameeyaan waqti kororsi muddo labo sano ah.

“Intii aan sameyn laheyn muddo kororsi labo sano ah waxaa dhaanta inaan dib isku soo sharaxno oo aan dhahno hanala doorto, laakiin muddo kororsiga waxaan isleeyahay wuxuu ku wanaagsan yahay haddiiba lagu dhameystiri karo howlaha harsan”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Qaabka kale ee ay doorasho kaga dhici karto dalka ayuu sheegay in la tashiyo lagala sameyn doono maamul goboleedyada iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com