Aqoonyahaan ku takhasusay siyaasadda oo soo bandhigay 2 hab oo lagu qaban karo doorasho

Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Cabdikariin Daa’uud oo bare dhanka Cilmiga Siyaasada ka ah Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in DF Somalia ay ka gaabineyso howlihii ay ballanqaaday inay kusoo biirin doonto Siyaasada dalka iyo Horu socodka.

Prof Cabdikariin, ayaa tilmaamay in goortii uu maqlay in Somalia ay ka dhici doonto doorasho nin iyo codkiisa ay filan’waa la noqotay, balse iminka DF Somalia kaliya ay u furan tahay hal wado oo ah inay latashiyo la sameyso qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in Somalia ay kusii raagto wadadii dhalisay burburka, waxa uuna tibaaxay in Madaxda Qaranka ay hortaal ka tashiga qancinta Shacabka ay xilka u hayaan iyaga oo tixgalinaayo kaalinta Bulshada ay ku leeyihiin taabagalinta Horumarka lagu taamaayo in dalka laga dhaqangaliyo.

‘’Tallo ahaan waxaan qabaa in doorashada Somalia ay ku dhici karto laba qaab xisbiyeed inta loo sameeyo doorasho isku miisaaman waa la sameyn karaa, waxaa kale oo la yeeli karaa, dalka hadda dowlad gobaleed uu kala yeeshay, dowlad gobaleed kasta inta soo tashato inay la timaado golaheeda baarlamaanka iyo inta la sameeyo hab la raacayo lana yiraahdo hala soo xulo qof tayo oo maanta marxaladda dalka wax ka bedali kara”

Ra’yi ahaan ayuu sheegay in ka aqoonyahan ahaan isaga uu doorbidi lahaa maadaama 2016 aysan dalka ka dhaceyn doorasho qof iyo codkiisa ah in dalka loo keeno shaqsi karti leh oo maanta dadka wax u qabta.

Dhanka kale, waxa uu codsaday in Madaxda dalka aysan ka jiifan fulinta ballanqaadyadii ay horay u sameeyen, waxa uuna shaki galiyay in Horusocodka dalka uu yahay mid xiligaani ka imaankara dhanka Dowlada, waa hadii aan la helin Shacab u hogaansan dhismaha dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com